Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Cabdiweli Abdillaahi Suufi ayaa saaka booqasho ugu yimid Xildhibaanadda Golaha Deegaanka isagoo kulan is xog-waraysi ah kula yeesha

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Cabdiweli Abdillaahi Suufi ayaa saaka booqasho ugu yimid Xildhibaanadda Golaha Deegaanka isagoo kulan is xog-waraysi ah kula yeeshay Xildhibaanadda Hoolka shirarka Golaha Deegaanka.
Kulankan oo ay xildhibaanadda Iyo Wasiirku isku xog-waraysteen xaaladaha Ka jira guud ahaan Somaliland gaar ahaana Gobolka Gabiley, Kuna waydiiyeen su'aalo, wasiirkuna si fiican ugu jawaabay.
Kulankan ayaa kusoo dhamaaday Jawi dagan.
Maayar Maxamed-Aamin Cumar Cabdi ayaa fariin u diray Shacabwaynaha Gabiley si ay u Diwaangaliyaan Hantidooda ma guurtadda ah haday tahay dhul Iyo Guriba.
Muwaadin Diwaangali Hantidaada ma guurtadda ah.