Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr Cabdiwali Suufi iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa tabobar kor loogu qaadayo....,.,..

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr Cabdiwali Suufi iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa tabobar kor loogu qaadayo addeegsiga Tiknoolajiyadda ee qaybaha kala duwan ee ciidamada ugu soo xidhay hotelka Baraar ee Magaalada Hargaysa.
Tabobarkan oo socday muddo bil iyo badh ah ayaa waxa ciidamadu ku barteen casharo badan oo ka caawin doona addeegsiga Tiknoolajiyadda, sida loo ilaaliyo xogaha ku kaydsan computer-da iyo sida loo wadaago iyo casharo kale oo muhiim ah.
Munaasibadda lagu soo xidhayey tabobarka ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka wasaaradda, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaran iyo masuuliyiin kale oo ka socday qaybaha kala duwan ee ciidamada iyo Xafiiska Taiwan ee Somaliland.
Kaqaybgalayaasha tabobarka ayaa ugu danbayn munaasibadda lagu gudoonsiiyey Shahaadooyin.