Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo ka qayb galay Daahfurka Riig Biyood Cusub
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Cabdiweli Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa saaka ka qayb galay Daahfurka Riig Biyood Cusub oo Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ka hirgalin doonto Degmada Bali Cabane ee Gobolka Hawd.