Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka qayb galay

Hargeysa(21-11-2022): Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada JSL Dr.Cabdiweli Cabdilaahi Suufi Jirbiil ayaa ka qayb galay furitaanka dhaam biyood cusub oo laga hirgaliyay deegaanka ilinta oo ka tirsan gobolka Gabiley,waxa ku wahelinaaya wasiirka wasaaradda Horumarinta biyaha,Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Sayniska ,Gudoomiyaha Koomishanka Tamarta ,Maayirka Gabiley iyo Badhasaabka gobolka Gabiley,sidoo kalena waxa ay waftigu ka dhagax dhigeen dhaam biyood cusub deegaanka Ijaara oo ka tirsan gobolka Gabiley.
Intaasi ka dib waxa ay waftigu  sooo gaadheen deegaanka wada Makaahiil oo ka tirsan Degmada farawayne ee gobolka maroodi-jeex halkaasi oo ay ka dhagax dhigeen dhaam biyood cusub.