Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo booqasho ku jooga dalka Ethiopia

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdiwel Abdillahi Soufi oo booqasho ku jooga dalka Ethiopia ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Ethiopia Dr. Belete Molla Getahun, labada wasiir waxa ay ka wada hadleen sidii labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen arrimaha tiknoolajiyadda oo lafdhabar u ah horumarka dhaqaale ee labada dal.