
Wasiir Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Mohamed Jaamac oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maaliki Cabdi Xasan ayaa saaka shir gudoomiyay kulan ay isug
Warbixin: Wasiir Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Mohamed Jaamac oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maaliki Cabdi Xasan ayaa saaka shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaaddeen shaqaalaha mashruuca isku xidhka dhijitaalka ee Geeska Afrika loona yaqaano (EA-RDIP).Wasiirka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan halka uu marayo mashruucu, waxyaalaha u qabsoomay iyo si gaar ah qorshaha sannadka 2026, waxaana laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shaqooyinka qorshaysan iyada oo si wada jir ah Meesha looga saarayo caqabadaha hor yaalla.
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa shaqaalaha mashruuca kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda hirgelinta hawl-qabadka mashruuca isla markaana ay ku dhamaystiraan muddadii loogu talagalay. Waxa ay sidoo kale ku ammaaneed shaqaalaha dadaalkooda iyo sida ay muddo yar oo kooban ay u qabteen shaqo badan oo qabyo ahayd
