Wasiir Ku-Xigeen Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane: Maaliki Cabdi Xasan Ayaa Shir Gudoomiyey Shir Laga Hadlaayo Dardargelinta Dhismaha Xarunta Keydka Xogta Ee Somaliland.

Wasiir Ku-Xigeen Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane: Maaliki Cabdi Xasan Ayaa Shir Gudoomiyey Shir Laga Hadlaayo Dardargelinta Dhismaha Xarunta Keydka Xogta Ee Somaliland.
Shirkani Aad Ka Muhiimka U Ah Ayaa ka Dhacay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL, Ujeedada Shirka Ayaa Ahayd In La Dardar Geliyo Dhismaha Xarunta Keydka Xogta Ee Somaliland Waxa Iska Kaashanaya Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland (MICT) Iyo Taiwan Technical Mission (TTM).
Shirkani Waxaa Ka Soo Qayb Galay Xubno Ka Socday TTM, EKC & Deloitte Taiwan, Vista, Iyo Wasaaradda Howlaha Guud, Waxaana Goob Joog ka ahaa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL.
Ujeedada Kulankani Ayaa Ahayd In La Dardar Geliyo Dhismaha Xarunta Keydka Xogta Ee Somaliland, Iyadoo La Is Waafajinaayo Qorshayaasha Farsamo Iyo Shuruucda Dhismaha Ee Muhiimka Ah.
Allaa Mahadleh
.....dhammaad.....
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.