Email-ladda Rasmiga ah ee madaxda dawladda oo ay samaysay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda


Email-lada Rasmiga ee madaxda dawlada oo ay samaysay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada
 
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Somaliland Dr Cabdi-Weli Sheekh Cabdilaahi Suufi oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Wasaaraddiisu diyaarisay Email-ladda laamaha Dawladda Kuwaasi oo loogu talo galay in ay isticmaalaan laamaha Dawladdu si Xogtu u noqoto mid kaydsan oo ammaan ah Qarankana aan ka lumin.
Geesta kale Wasiirku waxa uu sheegay in ay ka shaqeeyeen Rasmi ka dhigidda Bogaga rasmiga ah ee baraha bulshadda ee laamaha Dawladda.
Waxa uu Wasiirki intaasi ku daray in ay Hirgaliyeen Dagal Guud ee Dawladda (Web Portal) kaasi oo laga heli doono Xogta Qaranka.