WARBIXIN KOOBAN

WARBIXIN KOOBAN
Mashruuca Isku Xidhka Dhijitaalka ah ee Bariga Afrika (EA-RDIP), oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunku, ayaa Masuuliyiin iyo xubno Shaqaalaha ka mid ah oo ka socda Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaraddu u diray Nairobi, Kenya, si ay u qaataan tababaro muhiim ah oo soconaya laba toddobaad.
Xubnahan oo ka kooban 8 Xubnood waxay qaadanayaan labo Tababar oo kala ah Farsamadda iyo Maamulka Hirarka Isgaadhsiinta (Spectrum Engineering and Management), iyo Qiimaynta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada (Environmental and Social Impact Assessment) (ESIA).
Labada tababarba waxay muhiim u yihiin kor u qaadista tayada shaqada, horumarinta nidaamyada Wasaaradda, iyo xoojinta isku xidhka dhijitaalka ah ee dalka. Intii ay tababarka ku jireen, kooxuhu waxay booqdeen Kenya Communications Authority iyo goobo kale, halkaas oo ay ku barteen habraacyada shaqo ee hay’adaha isgaadhsiinta Kenya, taas oo u sahlaysa in aqoontan dib loogu dabaqo Somaliland.