War Saxafadeed


Maanta  Waxa Hall-ka Shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda ka qabsoomay kulan wada tashi Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda iyo Koomishanka Maamul Wanaaga, kulankaasi oo daranaa sidii loo dar dargalin lahaa howlaha ay gacanta ku hayaan gudiyadda farsamo ee labada dhinac.
Ugu horayn Waxa kulankaasi furtay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Marwo Amina Hussein Mahamoud iyada oo sheegtay ujeeadada kulankani daaran yahay iyo sidii loo dar dar galin lahaa howsha ay gudiyada farsamo gacanta ku hayaan.
Geesta kale Gudoomiyaha koomishanka Maamul Wanaaga Mudane Dayib Aden Haji Ali ayaa isna ku dheeraday muhiimada ay leedahay wada shaqaynta labada dhinac isaga oo xusay in Koomishanka Maamul Wanaaga wajaabaadkiisa shaqo ay tahay sidii loogu hagi lahaa laamaha dawladda Maamul Wanaaga (Good Governance) iyada oo laga faa,iidaysanaayo Teknoolojiyadda Casriga ah.
Ugu danbayntii waxa soo gunaanaday kulanka wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Dr.Abdiweli Abdilaahi Suufi waxanu hoosta ka xariiqay in ay wasaaradda ka go,antahay sidii laamaha dawladda uga faa,iidaysan lahayeen teknoolojiyadda casriga ah si loo gaadho howl fududayn iyo isla xisaabtan sax ah dhanka maamul wanaaga ah iyada oo la fulinaayo siyaasadda E-Government ee Somaliland.