Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa soo gabo-gabeysey kormeer ay ku samaysay qaar ka mid ah kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala magaaladda Hargeisa.

Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa soo gabo-gabeysey kormeer ay ku samaysay qaar ka mid ah kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala magaaladda Hargeisa.
 
Kormeerkaas oo qaatay muddo laba Todobaad ah ayaa ujeedadiisu ahayd Xog-ururin ku saabsan sida ay Bulshadda deggan Kaamamku u helaan adeegyada Isgaadhsiinta iyo caqabadaha ay kala kulmaan. 
 
Wasaaraddu waxa ay bulshada la wadaagi doontaa Warbixinta kasoo baxda Xog ururinta iyadoo ku daabici doonta website-ka Wasaaradda.
 
Sidoo kalena waxa ay Wasaaraddu wax kala qaban doontaa caqabadaha ay Bulshaddaasi kala kulmaan dhinaca isgaadhsiinta.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL .