Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoloolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan oo tababar u soo xidhay dhaliinyaro ka faaiidaysatay barnaamjika kobcinta adeegsiga tiknologiyadda oo ay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoloolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan oo tababar u soo xidhay dhaliinyaro ka faaiidaysatay barnaamjika kobcinta adeegsiga tiknologiyadda oo ay hirgalisay wasaaraddu.
 
Barnaamijkan ayaa daaran sidii looga faaiidaysan lahaa tiknoolojiadda guud ahaan qaranka loolana jaan qaadi lahaa aduunka.
 
Dhaliinyaradan ayaa lagu tababaray rikibaada iyo cilad bixinta kamaradaha ilaalada iyo aallada xaadiriyo shaqaalaha ( CCTV camera and Fingerprint installation), barashada xirfadan ayaa meelaha ay ka jiraan baahiyaha tiknoolojiyada ee suuqa somaliland taasi oo ay tahay in ay dhaliinyaradeenu buuxiyaaan, si loo dhimo shaqo laanta. 
 
Tababarkan oo ka qabsoomay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama oo ay iska kaashadeen, qaarkamida jaamacadaha gobolka.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda