Training Cisco

Xarunta Hal abuurka tiknoolajiyadda Somaliland waxa ay tababar takhasus ah oo ku saabsan isku xidhka Shabakadaha iyo Aminga internerka (Cisco Certifed Network Associate (CCNA) u furtay Waaxaha IT-da ee Ciidamadda kala duwan ee qaranka.

Ujeedada wasaaradda ay ka leedahay tabobarakan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa caqoonta ciidamadda kala duwan ee qaranka isla markaana ay u noqan lahyeen kuwo la jaan qaada is badalka tiknoolajiaydda ee xawliga u socda.

Tabobarkan oo socon doona muddo bil ah ayaa waxa soo qabanqaabisay wasaaraadda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyadda oo kaashanaysa Haayadda Taiwan ICDF, waana dufcadii Saddexaad ee tabobar noocan ah lagu qabto xarunta hal-abuurka tiknoolajiyadda oo dhawaan ay asaastay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu.

Waxa markasta wasaaradda ka go'an sidii loo horumarin lahaa xirfadaha iyo caqoonta hal-abuurka ee ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland.