Tababarka Ilaalinta Xogta Oo Maanta Ladaahfuray

Tabobarkii ugu horreeyey ee lagu dhisayo awoodda shaqaalaha Waaxaha ICT-ga ee hay’adaha dawladdu ay ku ilaalinayaan xogta qaranka ayaanu maanta ku daahfurnay Hotel Ambassador, Hargaysa. 

Tabobarkan oo aannu iska kaashannay xafiiska horumarinta caalamiga ah ee UKIAD waxa ka faa'iidaysanaya shaqaalaha IT-ga ee dhammaan wasaaradaha iyo hay'adaha madaxbannaan ee JSL. 

Tabobarkan oo loo soo xulay shaqaalihii ku haboonaa ayaa socon doona muddo 10 cisho ah, iyada oo ay bixinayaan khubaro ka socda hay'ada PGI ee fadhigeedu yahy Uk. 
U jedada Tobabarka ‘waa In laamaha Dawlada wasaaraddaha & Hay’daha Madaxa banan xogta ay hayaan ee Digital ka ahi ay noqoto Mid amaana oo cidii loogu talagalay mooye anay cid kale arag.

Hiraalka Wasaaradda ayaa ah in xirfadlayaashii fulin lahaa hayaanka e-government loo sii diyaariyo qaranka.