TABABAR KU SAABSAN SIDA LOOGA HORTAGO LA ISKAGANA DIFAACO WEERARADA DHANKA INTERNET-KA KA DHACA OO WASAARADDU U FURTAY LAAMAHA DAWLADDA

Waxa maanta ka qabsoomay Hotel Baraar ee Magaalada Hargeysa tababar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyaddu kaasi oo ku saabsanaa Sida Looga Hortago La Iskagana Difaaco Weerarada Dhanka Internet-ka Ka Dhaca (Cyber Attacks).
Tababarkan oo heerkiisu sareeyo islamarkaana ay kasoo qayb galeen dhamaan laamaha dawladddu ayaa ujeedaddiisu tahay sidii looga hortagi lahaa weerarada lagu soo qaado Baraha Bulshada ee dawladda. Tababarkan ayaa socon doona mudo laba cisho ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Warsame Xasan oo tababarkan furay islamarkaana halkaa ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda uu tababarkani uu leeyahay waqti xaadirkan laamaha dawladda si ay uga gaashaantaan aqoon ku filana looga siiyo meelaha galdoloolooyinka ah ee laga soo weerari karo. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku dhiirigaliyay kasoo qayb galayaasha tababarkan inay ka faa'idaystaan tababarkan, aqoonta ay korodhsadaana uga faa'ideeyaan laamihii dawladda ee ay ka kala socdeen.