Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Qaran ee 2-aad (Somaliland Economic Forum, 2023)


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daah-furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Qaran ee 2-aad (Somaliland Economic Forum, 2023), oo 14 - 15 Bishan October ka qabsoomaya Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeisa.
Shirka Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran ayaa xooga lagu saari doonaa sidii Somaliland u heli lahayd dhaqaale sal-balaadhan oo casriyaysan.
Waxa shirka lagaga hadlayaa labada maalmood ee uu socdo Dooddo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa loona casriyayn lahaa Dhaqaalaha Dalka, sida:
1. Sugnaanta Cuntadda
2. Ganacsiga iyo isdhexgalka Gobolka.
3. Horumarinta Maalgashi Waara.
4. Macdanta iyo Shidaalka.
5. Horumarinta Miisaaniyadda Dawladda.
6. Horumarinta Qaybta Maaliyadda.
Shirkan ayaa Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu kaga qayb-qaadanaysaa "Sidii loo Casriyayn lahaa Dhaqaalaha Dalka, looguna bedeli lahaa hab Tiknoolaji ah, loona gaadhsiinlahaa hababka caalamiga ah ee ay isticmaalaan wadamadda horumaray".