Shirkii Sadexbiloodka kowaad ee Wadaagaha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqale


Wasaaraddaha isgaadhsiinta iyo technolojiyadda iyo wasaaradda hawlaha guud iyo guryeeynta Qaranka waxa ay si wada jira ah u soo diyaariyeen  shirwayniihii Sadex biloodka koowaad ee wadaagaha  kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure Sector) oo ka kooban wasaraddaha iyo hayaddaha:
1. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technologyadda(xogheeyn)
2. Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeenta (Gudoomiye)
3. Wasaaradda gaadiidka iyo jiddadka -xubin
4. Wasaaradda qorsheynta Qaranka-Xubin
5. Hayadda Madaaradda-xubin
6. Madbacaadda qaranka- xubin.
7. Hayadda UN-Habitate( Co-Chair)

 Xubnaha shirka ka soo qaybgalay waxay kala ahaayeen wasiirka Wasaarada Isgaadhsiint iyo tiknoolajiyadda, wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Agaasimaha guud  ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknolojiyadda, Agaasimaha guud ee wasaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, , agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iy Horumarinta jidaadka, agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta qaranka, agaasimaha waaxyaha qorsheynta ee wasaaaradaha kala duwan, iyo xubno ka socday hayadaha qaramadda midoobay.
Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignologyadda  Dr. Abdiwali Abdillahi Suufi ayaa ka hadlay kulanka waxaana ka mid ahaa khudbadiisii:
“Wadaagahani waa mid u muhimah qaranka wasaarad ahaan isgaadhsinta Waxaan ka soo galaynaa laba dhinac, Somaliland waxay degantay goob muhiimaha strategiyah noqonaysanna goob xarun ah ama Hub u ah geeska africa, parlamaanku si taa loo hirgeliyo waxuu waxkabadal ku sameeyeey xeerkii isgaadhsiinta  ee la xidhiidha cabladda si ay u fuduudeyso  in Somaliland hub ama meel lagu soo hagaago  isgadhsinta cablka Noqot  cidkastoo danaynaysana.
Wasirka Hawlaha Guud ,Dhulka iyo Guryeeynta A.rashiid Xaashi Ducaale (Qambi) ayaa isna goobta ka hadlay waxaanu yidhi:
“Kulankeenani waxa uu Daaran yahay Inaynu is waydiino, sidii barnaamijka kaabayasha dhaqaale ee wadanka kor loogu qaadi lahaa, oon ku koobneeyn wasaaraddaha ka shaqeeya, se gacan weyn ka geeystaan hayaddaha calamida ah ee la shaqeeya waddagahan Kabayaasha dhaqaalahu waa in uu noqdo ka ugu horeeya ee la ga fuudhyeelo Marxaladan manta qaranku maraayo. Waa in la Sameeyo  xidhiidh xoogan iyo madal maskaxdda lagu tuujiyo si loo helo qaabkii qaranka himiladiisa NDP11 iyo NDP111  loo xaqiijin lahaa.
Shirkii intii uu socday waxaa laga hadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale la dhageeystay warbixinadda xubnihii ku midoobay shirkan wixii u qabsoomay wasaaradaha xubnaha ka ah ,wixii ka qabyoobay iyo sidii loo dhamays tiri laha dood adaggna laga yeeshay.