
Shirkadda Somtel ayaa ku dhawaaqday in ay $25 milyan oo dheeraad ah gelinayso horumarinta isku-xidhka internetka dalka, arrintan oo ka dhacday shirweynaha isgaadhsiinta qaranka.
Shirkadda Somtel ayaa ku dhawaaqday in ay $25 milyan oo dheeraad ah gelinayso horumarinta isku-xidhka internetka dalka, arrintan oo ka dhacday shirweynaha isgaadhsiinta qaranka.Shirweynaha 6-aad ee Isgaadhsiinta Qaranka, oo sanadkan diiradda lagu saaray isku-xidhka internetka, ayaa looga gol leeyahay in lagu hormariyo aaladaha ku shaqeeya internetka (Internet of Things - IOT) iyo Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence). Si arrintan loo xaqiijiyo, shirkadda Somtel, oo ka mid ah shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa ku dhawaaqday maalgelintan ballaadhan ee cusub inta uu shirka socday.
Masuuliyiin badan oo ka socda laamaha dawlada, haayada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, shirkadaha ganacsiga ayaa ku amaanay ugana mahadnaqay maalgelintan balaadhan ee ay samaysay shirkada Somtel.