SHIRKADDA FACEBOOK OO SOMALILAND KEENTAY XADHKAHA INTERNET-KA XAMBAARA

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in shirkadda Meta oo hore loogu yaqaanay Facebook ay Somaliland keentay xadhig Internet ah, kaasi oo ay ugu talo-gashay inay bulshadu isticmaalaan.

Wasiir Cabdiwali ayaa sheegay in xukuumadda iyo saddexda shirkadood ee isgaadhsiintu ay ku heshiiyeen shirkad ka shaqayn doonta kaabayaasha xadhkaha Internet-ka iyo gudbintooda, taasina ay keentay in xadhko badan oo caalami ah ay ku soo hirtaan inay keenaan xadhko xambaara internet-ka.

Ugu danbayn Wasiirka ayaa sheegay in cid kasta oo reer Somaliland ah oo awoodaa, ay keeni karto xadhiga xambaara internet-ka, loona siman yahay