Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris ayaa shir-guddoomiyey kulan lagu falanqaynayey qorshaha shaqo ee sannadka 2024-ka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yousuf Idiris ayaa shir-guddoomiyey kulan lagu falanqaynayey qorshaha shaqo ee sannadka 2024-ka.
Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen dhammaan Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa lagaga doodday Qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Tiirarka (Pillars) lagu salayn doono Qorshaha Sanadka soo socda ee 2024-ka (Annual Work Plan Pillars) iyo sida ay mudnaanta u kala yeelan doonaan qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda.
 
Kulankan oo ku soo dhammaaday si guul ah ayaa waxa kasoo baxay Qodobbo waxtar u leh Qorshe Hawleedka Sannadka soo socda.
 
ALLA MAHAD LEH