Tababar Loo Qabtay Tartamayaashi Hindisidda Nidaamyada Teknolajiyadeed


WAsaradda isgaadhsiinta iyo teknolajiyadda oo u qabatay tababar kooxihii (Teams) ka soo gudbay wajigii koowaad ee tartanka Hindisida Nidaamyada Teknolojiyadeed.

Tababarka waxa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Isgaadhsiinta & Teknolojiyadda, tababarka waxa la siinayay tartamayaashii u soo gudbay wajiga labaad ee tartanka.

Waxa furitaankii Tababarka ka hadlay Agaasimayaasha Waaxaha Cilmi-baadhista & Hal-abuurka Yaasiin Abdirahman Aweis ,Agaasimaha  ICT-ga Saxardiid Ahmed Ali  Lataliyaha Wasaaradda dhanka Teknolajiyadda Ali Abdilahi Dahir iyo Macalimiintii bixinaysay tababarka oo ku dheeraaday muhiimada uu u leeyahay tababarkani.

Tababarkan oo ku sahabsanaa sidii tartamayaashu ay u soo jeedin lahaayeen Nidaamayada Teknolojiyadeed ee ay ku tartamayaan iyaga oo wakhtiga ay haystaan ka faa’iidaysanaya.