Qanci Dadkaaga

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa ka qaybgalay barnaamijka "Qanci Dadkaaga" ee telefishanka Horn Cable TV  si ay uga jawaaban su'aalaha dadwaynaha ee ku saabsan sababta taawarrada isgaadhsiintu ugu soo badanayaan magaalooyinkeena . Barnaamijka oo sidoo kale ay ka qaybgaleen khubaro iskugu jirta dhakhaatiir iyo enjineero in badan baadhayey saamaynta taawarrada isgaadhsiinta ayaad dhawaan toos ugala socon doontaan telefishanka Horn Cable TV.