Xafladda Qalinjebinta Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyada

Xafladda Qalinjebinta Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyada 
(Hargeisa) 12- Aug-2024.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda Somaliland ayaa soo xidhay "Barnaamjika Kobcinta Adeegsiga Tiknolojiyadda", oo lagu tababaray 250 xubnood oo ka kala socday 19 wasaaradaha dawladda ah, qaar kamid ah ciidamada Booliska, Socdaalka iyo Asluubta.
Kuwaasi oo lagu tababaray Maamulidda Shabakadaha (Network Administration), Ilaalinta xogta Dawladda(Cyber Security),
Rikibidda iyo Cilad-bixinta Kamaradaha Ilaalada iyo qalabka lagu xaadiro (cctv Camera and fingerprint Intallation System ).
Sidoo kale Ardayda Jaamacadaha ayaa iyagana lagu tababaray Xirfaddaha casriga ah sida (Web Development, Multimedia & Graphic Designing), si ay u buuxiyaan baahida suuqyada Somaliland ee xaga tiknoolojiyadda.
Barnaamjikan oo wax weyn ka taray aqoonta Tiknolojiyadda ee shaqaalaha Dawladda iyo dhalinyarada dalka ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolajiyadda iyo xafiiska maalgashiga ee TaiwanICDF.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta W.I.T.