Nidaamka Wadaaga Xogaha Dawlada ee ku Dhisay ICT ga



Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL  ayaa saaka soo bandhigaysa nidaam isku xidhaya dhammaan nidaamyada kala duwan ee wakaaladdaha, xafiisyada iyo wasaaraddaha dawladdu ku shaqeeyaan kuna maamulaan adeegyada ay u hayaan qaranka iyo muwaadiniinta si loo dardar geliyo wada shaqaynta iyo midaynta dedaaladda dawladda.

Waxaan ka soo Qayb Galay Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoojiyada,   Agaasimaha Guud ee Wasaarada  isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada JSL iyo agaasime yaasha Wasaaraddaha ganacsiga iyo dalxiiska, qorshaynta, Arimaha gudaha,  gaadiidka iyo horumarinta jidadka.