Munaasibadda Xidhitaanka Dufcadii 4aad ee Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolojiyadda.

Munaasibadda xidhitaanka Dufcadii 4aad ee Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyadda oo ay hirgalisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo kaashanaysa xafiiska maalgashiga ee TaiwanICDF.
Barnaamijkan ayaa lagu tababaray 205 Arday oo bartay xirfado la xidhiidha Tiknoolojiyadda kaasi oo in mudo ah uga socday Xarunta Hal-abuurka ee Somaliland Innovation Zone.
Ujeedada tababaraddan ayaa daaranaa harumarinta iyo tayeynta xirfadaha tiknoolojiyadda ee guud ahaan qaranka si bulshadu u hesho adeeg hufan oo casri ah lana jaan qaadi kara dunida.
Ardayda qaatay tababarka ayaa ka kala socday shaqaalaha dawlada, Dhallinyarada Jaamacaddaha, haweenka, dadka maqalka naafada ka ah iyo dhamaanba qaybaha kale ee bulshada.