MUNAASIBADDA DAAHFURKA DAGALKA GUUD EE DAWLADDA SOMALILAND


Waxan caawa si toos ah aanu ugu daahfurnay hotel Barar, munaasabadda daahfurka degalka guud ee dawladda. 

Ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahayna waa in xogta iyo adeegga ay bulshaddu uga baahan tahay guud ahaan hay’addaha dawladda si fudud oo online ah loo heli karo.

Sidoo kale, cid kasta oo doonaysa in ay dalxiis, maalgashi iyo iskaashi ugu timaado dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heli doonaan xog iyo macluumaad ku filan oo ay ka mid tahay ogolaasha iyo codsiyada dalka ku galka.

Waa wejigii koowaad ee dadaalada lagu hirgelinayo barnaamijka E-Government-ka ee ay wasaaraddu waddo.