Masuuliyiintii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo hogaanka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ayaa Maanta Si rasmi ah u daahfuray tirinta iyo tiro-koobka Shaqalaha wasaaradda.

Masuuliyiintii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo hogaanka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ayaa Maanta Si rasmi ah u daahfuray tirinta iyo tiro-koobka Shaqalaha wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka, Mudane Maaliki Cabdi Xasan, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Axmed Carab Muuse, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Madax taabashada iyo tiro-koobka shaqadda wasaaradda,
Ugu horantii waxa halkaa ka hadlay agaasimaha cududda shaqaalaha Mudane Sayid Cumar Cabdi oo sharaxaad kooban ka bixiyay habraaca tiro koobka Shaqalaha wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee W.I.T Mudane Axmed Carab Muuse ayaa si faahfahsan u sharxay muhiimada iyo ujeedada tiro-koobkan isagoo xusay in hormar wanaagsan laga sameyay dhanka shaqadda diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha dawlada, laguna ogaanaayo shaqaalaha Rasmiga ah ee wasaaradda.
Ugu danbeyn Wasiirka wasaaradda iyo Wasiir ku xigeenka W.I.T Mudane Jamaal Maxamed Jaamac & Maaliki Cabdi xasan, ayaa bogaadiyay Guddiga Tiro-koobka Shaqaalaha dawlada iyo howl-wadeenada shaqada wada iyagoo kula-dardaarmay in si hufan ay howsha u qabtaan Shaqalaha wasaaradda na uga Mahadceliyey sidda u Soo ajiibeen kulanka loogu yeedhay ee madax tabashada iyo tirinta shaqaalaha
Tirinta iyo tiro-koobka shaqaalaha wasaaradda isgaadhsiinta waxa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dowladda.
Tiro-koobkaan ayaa laga sameyn doonaa qaybo ka mida Hey'adaha iyo Wasaaradaha Dowladda si loo xoojiya isla xisaabtanka iyo hubinta gudashada wajibaadka saaran Shaqaalaha Dowladda.
Allaa Mahadleh
.....Dhammaad.....
____________
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.