Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumada iyo xildhibaano Golaha Baarlamaanka ah oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada iyo isgaadhsiinta.......

Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano Golaha Barlamaanka ah oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Sh. Suufi ayaa magaalada Faraweyne iyo deegaamada hoos imaada kulan kula qaatay Bulshada ku dhaqan deegaanadaas.
 
 Kulankan oo ay u jeedaddiisu ahayd u kuur gelida sida ay u socdaan Is-diwaangelinta kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka innagu soo aadan.