Malintii koowaad Ee Barnaamijka wacyi-galinta Ardayda Ee Saamaynta Taban Ee Teknolajiyadda

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda oo bilawday wacyigalin ku saabsan Saamaynta Taban ee ay ku Yeeshaan Baraha Bulshadu Koboca Aqoonta Ardayga, wacyigalinta waxa soo qabanqaabisay Waaxda ICT-ga ee Wasaaradda iyadoo ka duulaysa baahida loo qabo in dhaliinyarada laga wacyigaliyo khataraha ay leedaha  in si khaldan loo adeegsiga Tiknoolojiyadda gaar ahaa Baraha Bulshad oo Khatar ku ah  Ardayda hadii aan laga wacyigalin.
Wacyi-gelintan oo socon doonta muddo todobaad ah, waxa maanta laga bilaabay dugsiyada sare ee #Dayib_Guray_iyo_Nuuradii,  halkaasi oo ay wasaaradda si diiran ugu soo dhaweeyeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiyadaasi. 
Maamulka wasaaradda ayaa la wadaaggay ardayda dhibaatooyinka ay baraha bulshadu ku leeyihiin horumarka iyo waxbarashada ardayga iyagoo xusay in si khaldan u adeegsiga baraha bulshadu ay ardayga ka lumiyaan waqtiga, kaas oo ah shayga ugu qaalisan ee uu ardaygu haysto, sidoo kalana ay ardayga ku keeni karaan khataro caafimaad oo kala duwan.
Wasaaradda ayaa sii wadi doonta wacyigalintan ilaa heer jaamacadeed.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta W.I.T, JSL.