Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Sweden.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Sweden.
Hargeysa-05-04-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo dalka u yimid isagoo ka wakiilada waddankiisa inuu shacbi weynaha Somaliland la qaybsado tacsida iyo tiiraanyada ka soo gaadhay masiibadii ka dhalatay Dabka ee Suuqa Waaheen.
Waxaanu safiirku sheegay inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaadhay Suuqa Waaheen iyo ganacsigii weynaa ee Somaliland laf-dhabarta u ahaa uguna ballaadhnaa. Isagoo ballan qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka caawiyaan wixii taageero dhaqaale ah ee ay arrintaa ka geysanayaan, isagoo wakiil ka ah dalka Sweden.
Waxa kale oo uu xusay inay dhawaan isugu imanayaan shir deg-dega oo lagu qaban doono Nairobi, kana soo qayb-gelayaan dalalka isku bahaystay midawga Yurub, shirkaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii gacan dhaqaale looga gaysan lahaa masiibadii suuqa weyn ee waaheen.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland dhiniciisa waxa uu uga mahadnaqay safiirka, yaboohda iyo garab istaagga ay u ballan qaadeen shacbiga Somaliland inay kaga taageeraan masiibadii dabku geystay ee ay ku caydhoobeen boqollaal reer Somaliland ahi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu warbixin ka siiyey xajmiga dhibaatada dabku inta ay leegtahay iyo baaxadda dhaqaale burbur ee uu u geystay bulshadii suuqaas ku ganacsan jirtay.
Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehelinaayey Madaxa xafiiska Siyaasadda ee Safaaradda Sweden Mr. Johan Svensson.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL