Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Abaal-Marinno Guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Abaal-Marinno Guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan.
Hargeysa-10-04-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Afar arday oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Munaasibadda abaalmarinta oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan, culimo-awdiin, ardayda abaalmarimaha qaadatay iyo guddida culimada ah ee tartanka qabatay, ayaa abaalmarimihii ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey Afartii arday ee sannadkan ugu sarreeyey tartanka heer gobol ee Qur’aanka kariimka ah.
Tartankan sannadlahaa, ayaa waxa sannadkan kaalmaha ugu sarreeya ku guulaystay arday ka kala socota gobollada Maroodi-jeex iyo Sool, kuwaas oo abaalmarinno kala duwan oo qaali ah la guddoonsiiyey Kaalinta koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ee Qur’aanka kariimka ah waxa ku guulaystay Mukhtaar Cabdisamad Maxamed oo ka socday gobolka Maroodijeex, kaas oo ku guulaystay Baabuur cusub iyo hadyado kale oo muhiim ah, kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Cabdilaahi Maxamed Xasan oo isla gobolka Maroodi-jeex ka socday, kaasoo la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $1,500, (Kun iyo shan boqol) oo doollar, Mobile iyo Computor Laptop ah, halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay, Maxamed Cawil Yuusuf oo gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey lacag dhan $1,000 (Kun) dollar, Mobile iyo computer Laptop ah, iyada oo kaalinta ugu dambaysa ee Afraadna uu ku guulaystay Cabdirisaaq Maxamed Cawil oo gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey Abaalmarin lacageed oo dhan $500 (Shan Boqol) oo dollar.
Sheekh Xasan Muxumed Cumar (Jaabir) oo ku hadlay magaca guddida culimada ah ee tartanka qabatay oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda guulaysatay, waxana uu madaxweynaha ku hambalyeeyey kaalinta muhiimka ah ee ka qaatay dhiirrigelinta kaalmaha kalaamka Eebbe.
Sheekh Axmed Macallim Ibraahim oo ku hadlay magaca mu’sasadda Aflax, ayaa guul wax weyn ka taraysa dhiirrigelinta dhallinyarada Qur’aanka barata ku tilmaamay Abaalmarimaha qaaliga ah ee uu sida sanadlaha ah madaxweynuhu u bixiyo.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna hambalyeeyey ardayda ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalkooda barashada diinta iyo kitaabka Eebbe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda da’ada yar ee ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana u duceeyey macallimiintooda iyo waalidiinta ku tacabtay oo uu u rajeeyey guul waarta oo If iyo Aakhiroba ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa farriin dhiirrigelin ah u diray cid kasta oo ku hawllan barashada Qur’aanka kariimka ah, kuna dhaqmaysa, waxana uu yidhi, “Waxannu dhiirrigelinaynayaa cid kasta oo Qur’aanka baranayna oo fahmaysa micnihiisa, ku dhaqmaysa oo aan si qalad ah u turjumaynin, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu Diinteenna inagu sugo.”
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas abaalmarihii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey Afarta arday ee tartanka heer gobol ee bisha barakaysan ee Ramadaan ku guulaystay, isaga oo sidoo kalena shahaado lagu sharfayo guddoonsiiyey culimadii garsooreyaasha ka ahayd tartanka.
Wa-bilaahi Tawfiiq