Kulanka Teknolajiyadda Ee Haweenka Soomaliland



Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa soo gabogabeeyay KULANKA TIKNOOLIJADDA EE HAWEENKA SOMALILAND (WOMEN IN TECHNOLOGY) oo ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Shirkan oo ka soo unkamay qodob ka mid ah qodobadii ka soo baxay shir weynihii Tiknoolajiyadda Somaliland ee 2020 (Somaliland ICT Conference 2020) ujeedadiisu waxa ay ahayd in haweenka laga dhiso dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan haweenka hay'addaha dawladda, maadaama oo Tiknoolajigu samayn weyn ku yeeshay guud ahaan nolosha bani’adamka iyo horumarkiisa.

Waxa sidoo kale Wasaaraddu shirkan kusoo bandhigtay mashruuc kor loogu qaadayo xirfada tiknoolajiyadda ee haweenka, gaar ahaan haweenka hay'adaha dawladda ka hawlgala.                                                                                    #SLWINTECH2021