kulanka 3 bilood-laha ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknaloojiyadda iyo xafiiska Taiwan ee Somaliland.

Maanta oo taariikhdu tahay 28.09.2023, Waxa ka qabsoomay Hall-ka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknaloojiyadda kulanka 3 bilood-laha ee Wasaaradda iyo xafiiska Taiwan ee Somaliland.
kulankaas oo lagu gorfeeyey shaqooyinkii socday 3-dii bilood ee u danbeeyay iyo waxqabadkii qabsoomay muddadaas.
Dhinacyadu waxa ay is la eegeen 3-da mashruuc ee ay ka wada shaqaynayeen 3-dii sano ee u danbaysay oo kala ah: Barta xog iswaydaarsiga qaranka (Data Exchange Platform), xarunta Hal abuurka qaranka (Somaliland Innovation Zone) iyo helidda furaha dal ku galka internet-ka.
Sidoo kale Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Teknaloojiyadda iyo Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa isla gartay in mashaariicda 3-da sano ee soo socda ee ay labada dhinac isla qaateen la dardargaliyo ansixintooda.
Kulankan oo uu hormood ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknaloojiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan oo ay ku wehelinayeen Madax ka socota xafiiska Tawian iyo Masuuliyiinta Wasaaradda.