Kulanaka Qiimaynta Teknolajiyadda ee Sanadlaha

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda ayaa soo Agaasintay kulanka sanadlaha ah ee Qiimaynta Teknoolojiyadda Dawladda, Kulankaasi oo ay ka soo qayb  galeen dhammaan Agaasime Waaxeedada waaxaha ICT-ga ee laamaha dawladda, kulankaasi oo lagu falanqaynayey sidii xal loogu heli lahaa Caqabadaha jira iyo waxyaabihii u qabsoomay Iyadoo diiradana lagu saarayey sidii loo diyaarin lahaa qorshaha sanadka cusub ee 2022.