kulan uu Wasiirku la yeeshay Ururka Warbaahinta

Waxa ka qabsoomay Hall-ka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda kulan uu Wasiirku la yeeshay Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland ee loo soo gaabiyo (SOMA).
Kulankan ayaa looga hadlay sidii loogu gudbin lahaa Bulshada Somaliland xog sugan, loogana dheeraan lahaa wixii bulshada midnimadeeda iyo wadajirkeeda wax yeelaya, loona tayayn lahaa bixinta adeegga warbaahineed, iyada oo la adeegsanayo Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo in la xoojiyo wadashaqaynta laba dhinac.