Kulan Hawleed ku saabsan dhaqangelinta xeer-nidaamiyaha hirarka isgaadhsiinta oo ay wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyaddu u qabatay shirkadaha bixiya adeegga muuqbaahiyaha

Kulan Hawleed ku saabsan dhaqangelinta xeer-nidaamiyaha hirarka isgaadhsiinta oo ay wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyaddu u qabatay shirkadaha bixiya adeegga muuqbaahiyaha

 

Agaasimaha Waaxda isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar, ayaa waxa uu kulan u qabtay shirkadaha bixiya adeegga muuqbaahiyaha ee loo yaqaan (Cable TV), kulankaas oo lagu dardar galinayay habsami u adeegsiga khayraadka dabiiciga ah ee loo yaqaan hirarka, si looga faaiidaysto tayaynta adeegyada isgaadhsiinta loona joojiyo is-dhex-galka hirarka ee dhibka ku keeni kara adeegyada hore u jiray.

Xeer-nidaamiyahan oo ka kooban 26 qodob, lana jaan-qaadaya xeerarka isgaadhsiinta ee ay diyaarisay “Hay’adda Isgaadhsiinta Adduunku” waxa uu faahfaahinayaa codsiga ruqsadda hirarka, qorshaynta hirarka, xallinta is-dhex-galka hirarka iyo kormeerka hirarka.

Sidoo kale waxa uu si cad u qeexayaa awoodda wasaaradda iyo waajibaadka ruqsadlaha.

Allaa Mahad Leh.