Kooxda Wasaaradda Isgaadhsiinta oo u gudubtey Wareegga 2-aad ee tartanka

TARTANKA KUBADDA CAGTA EE SHAQAALAHA DAWLADDA.
Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa caawa guul muhiim ah ka gaadhey Hay'adda Dhawrista Tayadda JSL, iyadoo ku adkaatay 5-4, ciyaar ka tirsanayd Tartanka Kubadda cagta Shaqaalaha Dawladda ee ka socda garoonka Cali Gadhle Stadium.
Ciyaartan caawa ay guushu ku raacday Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa loogu gudbayey wareegga 2-aad ee tartanka, iyadoo lagaga soo baxayey malxaladda Group Stage-ka.
Hambalyo Kooxda Wasaaradda Isgaadhsiinta oo u gudubtey Wareegga 2-aad ee tartanka