Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo ka duulaysa horumarinta tiknoolajiyadda ee guud ahaan dalka ayaa wadda dadaalo badan oo looga faa’iidaysanaayo tiknoolojiyadda casriga ah ee aduunku..

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo ka duulaysa horumarinta tiknoolajiyadda ee guud ahaan dalka ayaa wadda dadaalo badan oo looga faa’iidaysanaayo tiknoolojiyadda casriga ah ee aduunku u guura. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa furay dood-cilmiyeed lagu falanqaynaayey kaabeyaasha deegaanka tiknoolajiyadda ee looga baahan yahay hal-abuurka iyo ganacsiga Somaliland taasi oo lagu qabtay Xarunta Halabuurka ee Somaliland Innovation Zone.
 
Doodan oo ay falanqaynayeen aqoonyahano Somaliland ka hirgaliyey halabuuro tichnooajiyadeed ayaa si wayn uga hadlay heerka tichnooajiyadda Somaliland, meelaha mudnaanta leh si loo dhiso deegaan casri ah, doorka dawladda iyo bulshada ku leeyihiin, sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen aqoonta iyo xirfadaha loo baahan yahay, caqabadah hortaagan iyo waliba sidii looga gudbi lahaa.
 
Doodan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, aqoonyahano iyo dhalinyaro aad u tiro badan oo iyaguna dhankooda waydiimo iyo talooyinba soo jeediyey.