
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa daah-furay kulanka wada tashiga Xeer
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa daah-furay kulanka wada tashiga Xeerka Ilaalinta Xogta Elektaroonigga ah, ee ay diyaarisay Wasaaraddu, Gollaha Wasiiradduna ansixiyeen, imikana Gollaha Wakiiladda yaala.Kulankaas oo ay kasoo qayb-galeen Hay'addaha Qaramadda Midoobey, Hay'addaha Caalamiga ah iyo Hay'addaha Maxaligga ah ee ka hawl-gala Dalka.
Kulankan oo ka qabsoomay Hotel-ka Damal ee magaalada Hargeysa ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyo soo jeedin ay Hay'adduhu ku biiriyeen Xeerka.