Heshiis Taariikhii Ah Oo Dhex Maray Shirkadaha isgaadhsiinta Iyo Dowlada Jamhuuriyadda Somaliland

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay February 08, 2022 guul ku soo dhammaaday heshiis dhexmaray shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiskan ayaa nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ay wada yeelan doonaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo dawlada Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu JSL.
Hirgalinta heshiiskan oo dhawrkii sanno ee u danbeeyey Wasaaraddu gacanta ku haysay ayaa waxa kaalin laxaad leh ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aaminsan furfurnaanta suuqa Isgaadhsiinta si loo xaqiijiyo horumarinta suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.
Haddaba, heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa faa’iidooyinka ugu waaweyn ee heshiiskan waxa ka mid ah:
1. Midaynta maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet-ka ee Fiber-ka.
2. Kor-u-qaadida iyo tayaynta adeegyada internet xawaare sare leh oo qayb ka noqda horumarka dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo fududaynta helidda adeegyada dawladda.
3. In si habsami leh maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka loo qorsheeyo loona mideeyo.
4. In maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ku uu fududeeyo helidda internet xawaarihiisu sarreeyo.
5. Heshiiskani waxa uu Somaliland u saamaxayaa in ay yeelato shirad kaalin weyn ka ciyaarta tartanka suuqa maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka ee gobolka.
Wasaaradda Isgaadhsiinta waxa marwalba ka go’an sidii saamilayda Isgaadhsiinta iyo suuqa isgaadhsiintaba dhex looga noqon
Saamiga ay ku heshiisyeen shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawladda JSL ee kaabayaasha xadhkaha Internet-ka ee Fiber-ka dhulka. Ka badda cid walba way keeni kartaa.
31.67% - Telesom
31.67% - Somtel
31.67% - Somcable
5.0% - Dawladda JSL oo ay wakiil ka tahay WI&T.