
Hargeysa(28/06/2020) Shirwaynihii shaqaalaha wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda JS loo ku qabsoomay qaabka fogaan araga ah (Video conferencing).
Waxa maanta qabsoomay shirwaynihii shaqaalaha wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tecnolojiyada kaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan shaqalaha ka hawl gala xarunta wasaaradda iyo kuwa ka hawl gala dhamaan gobolada dalkan jsl, kaasi oo ku qabsoomay habka maqal iyo muqaalka oo wasaraadu si wayn u adeegsato mudooyinkii dambe ee ay soo kordhayxaladda cusudurka Covid 19.
Shirka waxa si rasmi ah u furay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo teknolojiyadda Dr. Cabdi-Wali Sh. Cabdilahi Suufi Jibriil . Shir waynah waxa diirada lagu saaray dar-dar galinta shaqadda wasaaradu qaran ka u hayso, is xog waraysi qorshihii sanadkan wasaarada u yaalay wixi qabsoomay iyo waxa dhiman sidi loo dhamays tiri lahaa mudada sanadka ka dhiman.
Shirka waxa xidhay agasimah guud ee wasaarada is gaadhsiinta iyo teknolojiyada Mudane Eng: Cali Cabdilaahi Daahir una jeediyay shaqale waynaha wasarada hadalo muhiim ah kuwaasi oo isugu jira dhiiri galin iyo fulinta wajibaadka qaran ee ay wasaradu u igman tahay, waxa uu xusay mudadii lagu jiray Covid 19 in shaqalah wasaradu ay qabteen shaqo muhiim qarankana ay u fudeeyey adeegsiga teknolojiyada casriga ah, isla mar kana halaka ay ka sii wadan dadalka.
Shirka waxa soo qaban qaabiyay waaxda cududa shaqaalaha oo hogaaminaya agaasimaha waxaada shaqaalah mudane Abdirizak Hussein Farah