Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax, ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda kala qayb-galay soo bandhigidda warbixin ay ka diyaariyeen Tiro-k

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax, ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda kala qayb-galay soo bandhigidda warbixin ay ka diyaariyeen Tiro-koobka iyo Qiimaynta Shaqaalaha Wasaaradda.
Tiro-koobkaas iyo Qiimayntaas oo ay mudo 2-usbuuc ah wadeen xubno Guddi Agaasime waaxeedyo ah, xubnahaasoo uu hogaaminayey Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha Wasaaraddu.
Kulankaas oo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Suufi, sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf warsame Xasan, Agaasime Waaxeedyadda iyo la-taliyayaasha Wasaaradda.
Kulankaasoo kusoo dhamaaday si guul ah ayaa waxa kasoo baxay Qodobo Tallooyin, dhiirigelin iyo tusaalayn wax-tar u leh shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan Qarankaba.