Guddida Gaadiidka, Hawlaha Guud iyo Tiknoolajiyadda ee Gollaha Wakiiladda JSL ayaa maanta kulan u qabtay daneeyayaasha

Guddida Gaadiidka, Hawlaha Guud iyo Tiknoolajiyadda ee Gollaha Wakiiladda JSL ayaa maanta kulan u qabtay daneeyayaasha:
1) Xeerka Amaanka iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casiriga ah, iyo
2) Xeerka Ilaalinta Xogta Electaroonigga ah.
Labadan Xeer oo ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu soo diyaarisay, Gollaha Wasiiradduna soo ansixiyeen ayaa imika hor-yaala Gollaha Wakiiladda.
Kulanka oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah daneeyayaasha Xeerarkan ayaa lagu qabtay Xarunta Gollaha Wakiiladda JSL. Waxaana faahfaahin ku saabsan laba xeer ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan.