Guddida Farsamo ee samaynta Cinwaanada Qaranka ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Kulankan oo lagu falanqeeyey sidii qaranka gaar ahaan Caasimada Hargeysa loo....

Guddida Farsamo ee samaynta Cinwaanada Qaranka ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. 
 
Kulankan oo lagu falanqeeyey sidii qaranka gaar ahaan Caasimada Hargeysa looga hir-gelin lahaa nidaam isku mid ah oo ay ka wada faa’iddaysan karaan dhammaan daneeyayaasha iyo bulshada ku dhaqan caasimadda. 
 
Kullankan oo ku soo dhammaaday si guul ah, waxa la isla qaatay muhiimadda ay wakhtigan leedahay nidaamka cinwaanadu, si kor loogu qaado adeegga boosaha, dakhli ururinta, amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo ka ganacsiga suuqa elektaroonigga ah. 
 
Hir-gelinta iyo fulinta mashruucan waxa iska kaashan doona daneeyayaasha dawladda dhexe iyo dawladdaha hoose.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyada JSL.