Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Gobolka Maroodijeex ayaa maanta ka qayb galay Daahfurka Xafiiska isu Duwaha Gobolka Ee Maroodijeex Ee Wasaaradda Diinta Aw Qaafta

Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray xafiiska Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, munaasabaddaas oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanno, agaasime-waaxeedyo, xoghayayaal, aqoonyahanno, culimo-diineed iyo macallimiin.
Mudane Faysal Yuusuf Cali, Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, oo goobta ka hadlay, ayaa muujiyey farxaddiisa ku aaddan ka qaybgalka xafladda daahfurka, isagoo sheegay inuu si dhow ula shaqayn doono masuulka cusub ee xafiiska Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka.
Faysal Yuusuf Cali ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu xafiiskani u leeyahay bulshada, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta diinta, baraarujinta bulshada, iyo kobcinta akhlaaqda wanaagsan. Waxa uu tilmaamay in xafiiskani uu noqon doono meel muhiim ah oo bulshada ka taageerta faafinta aqoonta iyo hanuuninta bulshada.