FURITAANKA XAFIISKTA WASAARADDA ISGAADHSIINTA IYO TIKNOLAJIYADA EE GOBOLKA SANAAG


Waxa maanta ka qabsoomay magaalo madaxda gobalka sanaag ee CEERIGAABO, xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay xafiisaka WIT. Kaasi oo ay xadhiga ka jartay Agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknolajiyada Aamina Xuseen Maxamuud. Xafiiska oo fududayn doonta shaqooyinka wasaaradda ee gobalka iyo adeegyada kala duwan ee wasaaraddu bixiso. 

Waxaa ka soo qayb galay xafladii furitaanka  mas’uuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobalka Sanaag, Wasaiirka Wasaaradda Qorshaynta, Wasiirka Wasaarada Shaqo Galinta iyo Arimaha Bulshada, Wasiirka Wasaarada Dhaliyarada iyo Ciyaaraha, Isuduwaha Gobalka Sanaag ee WIT iyo Mas’uuliyiinta kale oo heer gobol iyo heer qaran.