Agaasime Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Khayre Cisman Caalim Ayaa kulan la yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda kulan is barasho iyo is xog wareysi ah. Kulanka oo ka dhacay Hoo

Agaasime Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Khayre Cisman Caalim Ayaa kulan la yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda kulan is barasho iyo is xog wareysi ah.
Kulanka oo ka dhacay Hoolka wasaaradda ayaa diirada lagu saaray is barasho, wax qabadka, caqabadaha jira iyo dardargelinta howlaha dhiman ee Wasaaradda.
kulankani waxa goob joog ahaa Agaasime guud Mudane Khayre Cisman Caalim Agaasime waaxeedyada wasaaradda qaar ka mid ah iyo Shaqaalaha Wasaaradda ee Xarunta dhexe.
Allah Mahad Leh....
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo warbaahinta W.I.T.