Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo lagu falanqaynayay qiimaynta nidaamyada dhijitaalka ah ee Wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda (Government Digita


Hargeisa - Somaliland, 14 October 2025
Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo lagu falanqaynayay qiimaynta nidaamyada dhijitaalka ah ee Wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda (Government Digital System Assessment), taas oo qayb ka ah u diyaar garowga shirweynaha ICT-ga ee dalka.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda mudane ???????????????????????? ???????????????????????????? ????????????????????????, Agaasimaha Guud mudane Axmed Carab Muuse, agaasime-waaxeedyada ICT-ga ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, iyo khubaro ku takhasusay teknoolajiyadda.
Ujeeddada kulanka waxay ahayd in la qiimeeyo heerka nidaamyada dhijitaalka ah ee hay’adaha dawladda, lana hubiyo meelaha u baahan horumarinta, si loo xoojiyo adeegyada ICT-ga iyo isku xidhka hay’adaha dawladda si ay bulshada ugu adeegaan si hufnaan leh.
Intii uu socday kulanku, waxaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isku xidhnaanta xogta dawladda, amniga macluumaadka, iyo hababka lagu mideynayo nidaamyada dhijitaalka ah ee qaranka. Waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo halbeegyada farsamo si loo gaadho dowlad si buuxda uga horumarsan xaga ICT-ga.
Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL waxay sii wadaysaa dadaallada ay ku hoggaaminayso isbeddelka dhijitaalka ah ee Qaranka.
DHAMMAAD