Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyadda ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL

Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyadda ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL.
Wasiirka Wasaaradda Mudane ???????????????????????? ???????????????????????????? ???????????????????????? iyo Wasiir ku-xigeenka Mudane ???????????????????????????? ???????????????????? ???????????????????? oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane ???????????????????? ???????????????????? ???????????????????? ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada.
Shirkan oo todobaadkiiba mar qabsooma ayaa lagaga hadlay qodobadda kala ah Ansixinta iyo dhaqan galinta qorshe hawleed ka 2026 dardargelinta Hawlaha hortabinta leh.
Qiimaynta Software-ka cusub ee ay samaysay waaxda ICT iyo diyaarinta Hawl-gelintiisa. Abaabulka Xaflada Abaalmarinta shaqaalihii ugu fiicnaa 2025.
Sidoo Kale Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay agaasime-waaxeedyada wasaaradda kuna amaanay sida hufan ee ay u wadaan hawlaha shaqo ee loo igmaday.
Ugu dambayn waxay ay kula dardaarmeen inay sii dardar-geliyaan hawlaha ay qaranka iyo wasaaradda u hayaan hawl-wadeenadu