Dhambaal Hanbalyo Ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sh.Cabdilahi Sh.Suufi isaga oo ku hadlaaya magaciisa  ka Shaqaale Weynaha Wasaaradda, waxa uu Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u dirayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka gaar ahaan shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibadda curashada sanadka cusub ee Islaamka 1443 (Hijriya) awgii, waxa aanu Alle uga Rajaynayaa Barwaaqo iyo Badhaadhe.

Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha & Warbaahinta W.I.T JSL.